DAAWO: Weftigii Xisbiga Kulmiye Ee Safarka Ku Marayay Bariga Dalka Oo Caasimadda Lagu Soo Dhaweeyay

Hargeysa, (SLP)- Weftigii uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ku marayay gobollada bariga Somaliland ayaa kusoo laabtay caasimadda Hargeysa.

Weftiga oo socdaal ku maray gobollada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha xisbiga Xasan Siciid Yuusuf iyo masuuliyiin ka tirsan xisbigaas.

Weftigan oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay duleedka bari ee caasimadda Hargeysa ayaa dadweynaha uga warbixiyay natiijadii socdaalkooda iyo meelihii ay soo mareen, waxaana weftigaas loo galbiyay dhinaca xarunta xisbiga, halkaasoo ay kula hadleen dadweynihii taageerayaasha xisbiga ee soo dhaweeyay.

Halkan ka daawo hadalladii masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo sidii loo soo dhaweeyay