Daawo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Dagaalka Sool

GABILEY (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in Somaliland inteeda badan ay Nabad iyo Barwaaqo ka taagan yihiin, hase-yeeshee, ay jiraan meelo xaalad adagi ka taagan tahay, isla markaana deegaanka Dharkayn-geenyo oo ka tirsan gobolka Sool oo laba Beelood ku dirireen intii Ramadaanta lagu jiray iyo maalmo ka hor ay 52 Qof ku kala dhinteen, in Lixdan ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, Wasiir Caddaani waxa uu sheegay ay Beelo kale oo Walaalo ah oo wada dega deegaannada Taleex ee gobolka Xaysimo iyo Xudun ay ku dirireen, qaarkoodna khilaafaadyo mid ka mid ah xal laga gaadhay shalay ay ka dhex-taagnaayeen, waxaanu Allaah uga beryey inay muhiimadda nabadgelyada gartaan oo Illaahay ka demiyo Colaaddaas khasaaraha badan keentay.