Daawo:-Wariye Xasan Xanafi oo U Qaabilsanaa Al-shabaab Khaarajinta Wariyayaasha Soomaalida Oo Dil Lagu Xukumay

Muqdisho(Slpost)Nin wariye ah oo ka tirsanaan jiray kooxda Alshabaab, ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay danbi inuu soo abaabulay dilka shan wariyayaal.

Maxkamad milatari ee magaalada Muqdisho ayaa ku xukuntay dil toogasho,Hassan Xanafi ayaa lagu soo xidhay Kenya laba sano ka hor.

Wuxuu markii hore ka soo shaqeeyay raadiyo ay leeyihiin Alshabaab. Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu qatarta badan ee wariyayaashu ay ka shaqeeyaan.

Sida ay sheegtay gudiga badbaadada wariyayaasha, soddon iyo saddex wariye ayaa lagu dilay tan iyo labada kun iyo toddobadii.

https://youtu.be/pnTWhmCaMbI