Daawo Warbixin uu AHN Marxuum Wariye Cawke Afar Sanno Ka hor ka Diyaariyey magaalada uu Maanta ku Geeriyooday

 

Jigjiga(SLpost)- Alla ha u naxariistee waxa ku dhawaad saaka waabarigii magaalada Jigjiga ee xarrunta Deegaanka ismaamulka Soomaalida Marxuum Suxufi Axmed Xasan Suufi Cilmi (Cawke) oo ahaa foolaadka iyo rugcaddaa saxaafadda soomaaliyeed shamaca horumarka iyo hiigsiga u siday.

AHN Wariye Cawke waxa uu ka soo shaqeeyay hay’addo saxaafaddeed oo badan oo isugu jira caalami iyo kuwa soomaalidaba. Waxa uu AHN Wariye Cawke lagu xasuustaa warbixinno aad u qiimo badan oo uu wakhti, maal iyo maskaxba u huray oo aad ka dareemayso sida qiimaha leh ee loo sameeyay.

Daawo mid ka mid ah warbixinahaa uu ka sameeyn jiray magaalooyinka qaar oo uu ka diyaariyey magaalada Jigjiga oo heddu ku heshay oo uu ku dhintay Marxuum Axmed Xasan Cawke:

https://www.youtube.com/watch?v=h0_lIG41gpk