DAAWO WARBIXIN Cajiib ah oo laga diyaariyey Nin 11 Sanno u shaqaynayey GOOGLE oo ku biiray Ganacsatada Sarrifleyaasha Wadhatada ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Tilek Mamutov oo ah khabiir ku takhasusay Cilmiga IT-ga, gaar ahaan Software Engineering, muddo toban sanno ka badan-na ka soo shaqaynayey shirkadda Google, ayaa magaalada Hargeysa ka furtay meherad yar oo ka shaqaysa Isku beddelka Lacagaha.

Mamutov oo ah Qofkii ugu horreeyey ee Ajaanib ah ee ku dhiirraday ganacsiga noocan ah gudaha Somaliland, waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgyzstan (Kirgistaan) oo ku yaala badhtamaha Qaaradda Eeshiya.

Waxa uu muddo 11 sanno ah ka soo shaqaynayay shirkadda Google oo uu markii ugu horeysay ka hawl-galay sannadkii 2007 kaddib markii uu Cilmiga Information Technology-ga ka bartay Jaamacadda American University in Central Asia oo ku taala magaalada Bishkek.

Badhtamihii sannadkan 2018 ayuu Mamutov ka tagay shaqadii uu ka hayey shirkadda Google, isagoo 11 sanno kaddib samaystay ganacsigii ugu horeeyey ee uu isagu leeyahay oo uu ka hirgeliyey magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Isniintii Todobaadkan, waxa uu markii u horeysay fadhiistay goobta ay ku taallo meheraddiisa Isku-beddelka lacagaha Qalaad iyo Shilinka Somaliland.