DAAWO: Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya oo maalintii Labaad Galay iyo Nuxurka Qodobbo Xaasaasi ah oo laga hadlay

Hargeysa (SLpost)_ Wada-xaajoodka foolka-foolka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Magaaladda istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa maanta galay maalintiisii labaad, waxaanay ergooyinka labada dhinac mid walba dhinaciisa ka muuiyey rejada uu ka qabo maxsuulka ka soo bixi doono wada-hadallada.