DAAWO Wacdarihii maanta Taageerayaasha Kulmiye ku soo bandhigeen Borama iyo Khudbad Madaxweyne Saylici u jeediyey

Boorama (SLpost)- Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, ayaa cudud ballaadhan ku soo bandhigay fagaaraha kheyriyada ee Boorama maanta oo ay ku beegnayd maalinta 7aad ee Ololaha Xisbiga, waxaana dadweynaha halkaas kala hadlay Madax uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) oo khudbad u jeediyey dadweynaha.

Isu-soo-baxa ay maanta sameeyeen taageerayaasha Kulmiye oo noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee magaaladaas lagu qabto muddadii uu socday Ololaha Doorashada, waxa ay masuuliyiintu kala hadleen wax-qabadka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo ka dhabaynta barnaamijka siyaasadda ee Xisbigu u soo bandhigay bulshada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WACDARAHA BOORAMA IYO MAANTA