[DAAWO VIDEO] – Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Khaarajiga Turkiga Ahmed Davutoglu

Ankara (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibada dalka Turkey, Ahmet Davutoglu, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbiley Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu Hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalkaasi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debedda Turkiga (2)

Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu oo madaxweynaha iyo weftigiisa qado-sharaf ugu sameeyey xafiiskiisa, waxa uu kulan gaar ah oo ay Md Axmed Siilaanyo wada yeesheen ku sheegay in dawladiisu ay si niyadsami ah u soo dhawaynayso socdaalka weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay ahmiyad weyn siinayaan inay iskaashi adag la yeeshaan Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debedda TurkigaAhmet Davutoglu, waxa uu kulankaasi kaga dhawaaqay in dawladda Turkigu ay kordhisay mucaawimadda ay Siiso Somaliland, isla markaana ay ka fulin doonto Mashaariic waaweyn oo saacidaya horumarka Waxbarashadda, Caafimaadka, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu xafiis ka furan doono dhawaan Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo door weyn ka qaadan doona horumarinta cilaaqaadka labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dawladda Turkiga uga mahad celiyayay siday ugu soo dhaweeyeen dalkaasi,. Waxaanu uga mahad celiyay mucaawimadda ay kordhiyeen ee ay siinayaan Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu wasiirka Khaarajiga Turkiga tafaasiil ka siiyay fursadaha maal-gashi ee ka jira Somaliland, waxaanu ku booriyay inay Turkigu sii xoojiyaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada ummadood.

Kulankan waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka kala socday Hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta iyo mucaawimadda dibada ee (TIKA) Turkish International Cooperation and Development Agency iyo hay’addo kale oo ka mid ah kuwa aan dawliga ahayn ee dalka Turkiga.

Wasiirka Khaarajiga iyo Madaxweynaha Somaliland waxay iska xog waraysteen xaaladda guud ee mandaqadda Geeska Afrika.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibadda, Macdanta iyo biyaha, Madaxtooyadda, dib u dejinta, Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya iyo marwada koowaad ee Somaliland, waxaanu socdaalkoodu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Raysal wasaaraha wadankaasi.

SOMALILANDPOST.NET