Daawo Sawirrada Munaasibad Abaalmarin Caalami ah lagu guddoonsiiyey Guddoomiyaha HORNWATCH

San Francicso (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa habeen hore lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka Xuquuqda bani’aadamka iyo Cadaaladda.

HORWATCH (2)Munaasibadda loo qabtay guddoonsiinta Abaalmarinaha oo noqonaysa tii 17aad oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cadaaladda iyo Ku-ilaalinteeda (CJA) oo fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa sannadkan nasiib u helay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay’ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.

Munaasibadda loo qabtay Abaalmarinaha ay bixinayso Xarunta CJA, waxa ka qayb-galay boqolaal qof oo isaga kala tagay Dunida dacalladeeda, kuwaas oo isugu jira daneeyayaasha Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqal-Iinsaanka.

HORWATCH (2) HORWATCH (1) HORWATCH (9) HORWATCH (8) HORWATCH (7) HORWATCH (6) HORWATCH (5) HORWATCH (4) HORWATCH (3)

HALKAN KA AKHRISO ABAALMARINTA LA GUDDOONSIIYEY SALEEBAAN XUQUUQ