Daawo:-Sariibad U Gaar Ah Caanayda Oo Hargeysa Laga Hirgaliyay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabiga Ugu Baaqay Ka Faa’idaynteeda

Mdaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay shir labad oo isna lagu qabtay Hotel Ambassador Hargeysa, kaas oo ujeedadiisu ahayd La wareegida Sariibad cusub oo loo dhisay Caanalayda, taas oo loogu talogalay sidii loo ilaalin lahaa Nadaafada, Caafimaadka Caanaha xoolaha iyo sidii loo tayeyn lahaa Xanaanaynta Xoolo naaxinta.

 Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayey ka mid ahayd hadaladiisii “Xoolaha iyo Caanuhu  waa tiirka nolosha shacbiga Somaliland, Mashruucan Caanaha lagu nadiifinaayo waa mid muhiim ah, Waxaan u mahad naqayaa EU oo maal geliysay Mashruuca, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa FOA oo fulisay .

Ugu danbayntii waxan shacbiga leyahay aynu ka faaidaysano mashruucan muhiimka ah.