(DAAWO)- Raysalwasaare ku-xigeenka Dalka Imaaraadka Carabta oo Qaabiley Madaxweyne Siilaanyo iyo Qodobbada laga wada hadlay

Abu Dhabi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku gudo-jira Hawlaha shaqo ee Safarkii ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta la kulmay Ku-xigeenka Raysalwasaaraha ahna Wasiirka Madaxtooyada Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Maansoor Bin Zayed Al Nahyan.

Siilaanyo iyo wasiirka madaxtooyada UEA

Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka Carabtu waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay, sida uu noo xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah xubnaha weftiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer ugaga waramay qodobadda ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka carabtu wax kala qabto, kuwaasi oo iskugu jira mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenadda Imaaraadka carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayay nidaamka biyaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay dhuumihii biyaha soo qaadayay ku rakibaan ceelashii laga qoday xunbo weyne iyo jaleelo.

Waxa kale oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga ka codsaday inay wax kala qabtaan dhismaha jidka hal-bowlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ay hirgeliyaan laba cisbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo uu la soo qaaday Wasiirka Madaxtooyadda ee dalka Imaaraadka carabta inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta dugsiyo cariya oo lagu barto farsamadda gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.

Geesta Kalena, Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah. Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.

Waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.

SOMALILANDPOST.NET