DAAWO oo ka BOGO Sidii loogu kala badiyey Dooddii 2aad oo Maanta Dhexmartay Murashaxiinta Madaxweynaha ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Murashaxiinta Madaxweyne-nimada ee ku loollamaya Doorashada 13-ka bishan la filayo inay ka qabsoonto dalka, ayaa maanta markii labaad isaga hor yimi Dood Xaasaasi ah oo lagu falan-qeeyey Arrimo Badan oo ka mid ah barnaamij-siyaasadeedyada saddexda Xisbi Qaran.

DOODA MUSHARIXIINTA SOMALILANDMurshaxiinta Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Muuse Biixi Cabdi & WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa maanta mar kale Isku haleelay Dooddan oo ay wada-jir u qabsteen Telefishanka HCTV iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, taas oo saddexda Murashaxba ay ku kaga jawaabayeen Su’aalo murashax kasta laga weydiiyey Wax-qabadka Xukuumaddiisa iyo Barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga haddii uu talada dalka ku guulaysto.

Waxa Xusid mudan in saddexda Murashax ay 20-kii bishan Isku wejaheen Dooddii u horeysay ee Abid loo qabto Murashaxiin u tartamaysa Madaxtinimada Somaliland, taas oo ay soo qaban-qaabiyey Aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ku bahoobay Urur lagu magacaabay INSPIRE GROUP.

HALKAN KA DAAWO DOODDA OO ADIGU QIIMEYSO CIIDDA GUUSHU KU RAACDAY DOODDAN

https://youtu.be/gec50W376Kc