Daawo Oo Akhri Mudaharaad Turkiga Gilgilay Oo Ka Kacay Wargeyskii Loogu Akhriska Badnaa Oo Dawladu la Wareegtay

Turkiga(SLpost)-Booliska Turkiga ayaa u isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiisa iyo tubooyinka biyaha tuura dad dibadbaxayaal ah, oo hor dhoobnaa illinka hore ee wargeyska ugu weyn dalkaasi.

Booliska ayaa xoog ku galay xarunta wargeyska Zaman oo fadhigiisu yahay Istanbul.

Maxkamad ayaa u dhiibtay maamulka wargeyska dowladda dalkaasi.

Wargeyska Zaman waxaa akhrista in kabadan hal milyan oo qof, tiradaasi oo ka dhigan in ka badan laba jibbaar tirada dadka akhrista wargeysyada kale ee uu tartanka kala dhexeeyo. Wargeysku waxa uu soo bandhigaa xaqaa’iqa jira, balse waxaa lala xiriiriyaa dhaq-dhaqaaqa Hizmet, oo uu hoggaamiyo Fethullah Gulen, oo ah wadaad Muslim ah oo ku noolaa dalka Mareykanka tan iyo markii ay is khilaafeen madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan, oo ay mar aad isugu dhawaayeen.

Maxkamadda ma aysan sheegin sababta maamulka wargeyskaasi gacanta loogu geliyay xukumadda.

Tifaaftiraha wargeyskani Cabdulxamiid Bilici, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay in dalka ay gelinayso maalin mugdi ah isla markaana ay soo afjareyso saxaafadda xorta ah ee waddankaasi.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa arrintani ku tilmaamay in ay tahay tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah saxaafadda dhaliilaha u jeedisa dowladda.