Daawo Nuxurka Khudbad Wasiirka Beeraha Somaliland ka jeediyey Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu ballan-qaad ka hor-sameeyey

Boorama (SLpost)- Wasiirka Wasaaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa khudbad ka jeediyey shirkii golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu sheegay inaanu ka mid ahayn Kulmiye labadii sannadood ee ugu dambeeyey ka hor, isla markaana siyaasad ahaan uu ka korsan yahay Xisbiyada kale, taasoo sababtay inay isaga iyo intii kale ee aan ka midka ahayniba ku hirtaan oo isku halleeyaan siyaasaddiisa.

 

Waxa uu Wasiir Axmed Muumin ammaanay hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inaanay wax qalo ah ka dareemin markii ay xisbiga ka mid noqdeen, markii uu xisbil-xaakimka marka labaad noqday Kulmiye in madaxda Xukuumadda lagu maamuusay. Wasiirku waxa uu ballan-qaaday xataa haddii xilka uu hayo laga qaado inaanu ka baxaynin ee uu ka sii tirsanaan doono xisbiga Kulmiye oo uu siyaasaddiisa u bogay ama ku qancay.

 

Hadalka uu Wasiir Axmed Muumin Seed ka jeediyey Shirka lixaad ee golaha dhexe ee Kulmiye kaga bogo Muuqaalkan Hoose