Daawo Muuqaalka Laga Duubay Darooga Iibiyahii Ugu Weynaa Mexico Ee Dhawaan La Qabtay

Ciidamada Militariga Mexico ayaa Jimcihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay Hogaamiyaha ugu weyn ee burcada ka ganacsatada Daroogada Joaquín Guzmán (El Chapo).

Filimkan ayaa waxaa duubay ciidamadii soo qabtay El Chapo xiligii ay weerarka ku qaadeen guriga uu ku dhuumanayey hogaamiyahaasi oo hada kahor labo goor ka baxsaday Xabsiga lagu hayey.

El Chapo ayaa ku guuleystay inuu markale ka baxsaday guriga ciidamada gudaha u galeen, isagoo maray bulaacada gurigaasi kadibna gaari la cararay, hase yeeshee El Chapo ayaa saacado kadib lasoo qabtay isagoo baxsad ah.

Dowlada Mexico ayaa la sheegay inay hada ka fiirsaneyso in El Chapo ay u gacan geliso dowlada Maraykanka oo ninkaasi u heysata danbiyada uu ka geystay gudaha dhulka Maraykanka oo uu geeyo Daroogada.

Qabashada El Chapo ayaa lala xadhiidhinayaa wareysi uu bishii Oktoober uu siiyey Jariirada Rollingstones, wareysigaasi oo uu ka qaaday Atooraha Caanka ah ee Sean Penn.