DAAWO Muuqaal laga duubay Diyaarad Rakaab ku Burburtay dalka TAIWAN

Taipei (SLpost)- Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay webi ku yaal magaalada Taipei ee dalka Taiwan, daqiiqado ka dib markii ay ka kacday Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, waxaana ku dhintay 31 qof oo ka mid ah dadkii rakaabka ahaa.

Muuqaal yaab leh oo uu qaaday qof saarnaa Gaadhi dul-marayey Biriishka uu ku dul-yaalo webiga ay diyaaraddu ku dhacday, ayaa soo bandhigay diyaradda oo sii dhacaysa ka hor intii aanu baalkeeda Sii xoqin Biriishka oo uu dhaawacyo ka soo gaadheen.

diyaaradDiyaaradda oo ay saarnaayeen 58 qof rakaab ah, ayaa markii ay webiga ku dhacday, waxa nolol lagu gaadhay oo laga soo bad-baadiyey 15 qof oo kaliya, halka 12 qof oo kalena la la’yahay.

Diyaaraddan ayaa ka hor inta aysan webiga ku dhicin, waxay dhinac ka jabsatay buundo weyn oo gaadiidka ay maraan.

diyaaraddaDadka rakaabka ee saarnaa ayaa u badnaa dalxiisayaal u dhashay dalka Shiinaha, ayaa ku sii jeedday jaziiradda Kinmen oo ku yaala meel dhinaca Koonfur-Bari ka xigta magaalada Xiamen ee dalka Shiinaha.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA LAGU DUUBAY