Daawo:-Mid Ka Mid Ah Tuulooyinka Xuduuda Somaliya Aynu la Wadaagno Oo Muujiyay Qadiyada Somaliland Halkay Ka Taagan Yihiin

Sool(SLpost)-Maamulka iyo dadweynaha Tuulada Far-Dhiddin ee Degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay sida ay uga go’an tahay qaddiyadda madaxbanaanida S/land, Xukuumadana u soo gudbiyey codsiyo kala duwan oo ay ku weydiisanayaan in laga taageero horumarinta kaabayaasha nolosha aadamaha sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo waddooyinka iyadoo Tuulada Far-Dhiddin tahay tuulo saaran xuduuda bari ee Somaliland la wadaagto Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya.