DAAWO: Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga UCID oo munaasibad laysku Arkay lagu qaabilay iyo Nuxurka Khudbado dhaliilo xambaarsan oo ay ku dureen Xukuumadda Xisbiga Kulmiye

London (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbigaas Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ku wada sugan magaalada London ee Carriga Ingiriiska, ayaa Munaasibad ballaadhan oo soo dhawayn ah xalay ugu sameeyeen magaaaladaas Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta UCID ee dalka Ingiriisku.

DAAWO: Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga UCID oo munaasibad laysku Arkay lagu qaabilay iyo Nuxurka Khudbado dhaliilo xambaarsan oo ay ku dureen Xukuumadda Xisbiga KulmiyeMasuuliyiinta Xisbiga UCID oo munaasibadda hadallo duur-xul iyo hogaatusaaleyn isugu jira ka jeediyey, waxa taabteen si qoto-dheerna uga hadleen dhaliilaha dul-hoganaya nidaamka maamul ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo madashaas ka jeediyey hadallo hoga-tusaaleyn ah oo uu ku dhaliilay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu xubin fir-fircoon ka ahaan jiray ka hor intii aanu ku biiran Xisbiga mucaaradka ah ee UCID

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Murashaxa madax-tinimada ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo halkaas warramay xaaladda Xisbiga ee wakhtigan, waxaanu sheegay inuu ku rejo-weyn yahay in Xisbiga UCID doorashooyinka soo socda guul-weyn oo la taaban karo ka soo hoyn doono shacabka, isaga oo taas ku sababeeyey inuu haysto taageerada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Murashaxa madax-tinimada ee UCID waxa uu tafaasiil ka bixiyey doorka ay xisbiga ahaan ka qaadan doonaan isbeddelka dhinaca horumarka iyo wax-ka-qabasashada shaqada la’aanta dhalinta ee ay ka samayn doonaan daloka hadii ay talada dalka ku guulaystaan.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka jeediyey khudbad soo jiidatay dareenka taageerayaashii ka qayb-galay munaasibaddaas, isaga oo dhinacyo badan ka taabtay gol-daloolooyinka ka jira nidaamka maamul ee xukuumadda Kulmiye.