Daawo:-Madaxweynse Siilaanyo Oo U Anbabaxay Dalka Kuwayt Oo Uu Martiqaad Rasmi ah Ka Helay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta u duulay Dalka Kuwait oo uu boqasho rasmiya ka helay Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo Madaxweynaha u soo diray diyaarad gaara isaga iyo weftigiisaba.

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax ) oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada safarka maaxweynaha ee maanta waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad iyo aad baan idiin salaamayaa hadaad tihiin Warbaahinta kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibediisaba ku sugan waxaa sharaf weyn ii ah inaan idiin cadeeyo oo aan idiin sheego kana waramo in Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayaa ay maanta u anba-bixi doonaan Boqortooyada Kuwait.

booqashadaasi waxay ka danbaysay martiqaad rasmiya oo Madaxweynaha iyo waftigiisuba ay ka heleen Boqorka Dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo diyaarad gaara u soo diray maaxweynaha iyo weftigiisa si ay booqasho ugu yimaadaan boqortooyada Kuwit.

martiqaadkaasi iyo casuumadaasi rasmigaa ee Madaxweynuhu ka helay Boqortooyada Kuwait ayaa ujeedadiisu tahay insha allaah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan iyo wadashaqayntii awalba ka dhaxaysay labada dal.

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinaaya Marwada Madaxweynaha Qaranka Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Caalamigaa ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, Waxaanan rajaynayaa in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay nabadgelyo ku baxaan, hadii Alle yidhaahdana ay nabadqab inoogu soo inoqdaan, waxaa la filayaa booqashadaasi inay qaadato ilaa todobaad”

Ugu danbayna Afhayeenku waxa uu u mahadnaqay saxaafada dalku sida fiican ee ay u soo dhawaysay intii uu xilka afhayeenimo hayey iyo weliba sida ay marwalba ula shaqeeyaan Qaranka iyo Wararka ka soo baxa Qasriga Madaxtooyada.