DAAWO: Madaxweynaha Somaliland oo iftiimiyey Ujeeddada Kulanka maanta Dhexmaray Madaxweynaha DDSI

Tog-Wajaale (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa marti-qaad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Mustafe Maxamuud Cumar oo ay ku kulmeen magaalo-xuduuddeedda Tog-Wajaale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay muhiimadda uu leeyahay kulanka dhexmaray labada madaxweyne oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona xidhiidhka labada dhinac.