Daawo:-Madaxdhaqameedka Hawiye Oo Ku Dhawaaqay In Loo Daba Fadhiisto Maamulka Caasimada Somaliya Ee Muqdisho iyo Yaabka Ay Keentay

Muqdisho(Slpost)-Odayaasha iyo hogaanka beesha Hawiye ayaa daboolka ka qaaday inay caasimada Somaliya ee Muqdisho iyaga maamulkooda loo daba fadhiisto, waxaanay meesha ka saareen in lagu fakaro in caasimada la wada yeesho, waxaanay sidan ku sheegeen shir ay ku qabteen isla Muqdisho.