DAAWO: Laba Ka Mid ah Heesihii Uu Abwaan Cali Sugulle Kaga Qayb Galay Xornimo Doonkii 1960-kii Ka Hor

Abwaan Cali Sugulle Duncarbeed waa indheergarad fog, gabyaa aan la loodin, xaqa-kama-gabadde, Muwaadin waddaniyad qoto dheer leh buu ahaa, kalsooni badan leh, Adkaysi badan oo abaal ma daadshe ah.

Cali Sugulle Waxa uu 1936 ku dhashay magaalada Oodwayne, abaal aan duugoobin buu ku leeyahay bulshada reer Somaliland. Abwaanku waxa uu imika xanuun u jiifaa Cisbitaal ku yaala Imaaraadka Carabta, Alle ha caafiyo oo xanuunka ha ugu bedello caafimaad.

Waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa laba heesood oo ka mid ah kuwii uu abwaanku kaga qaybqaatay gobonimo doonkii 1960kii heeryada gumaystaha la iskaga ridayey.

DAAWASHO WACAN.

Somalilandpost