DAAWO – Kulankii Madaxweyne yaasha Somaliland iyo Somalia ee Turkey iyo Qodobbo Labada Dhinac ku heshiiyeen

QODOBBADA HESHIISKA LABADA DHINAC

  1. In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac
  2. In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay loo gaaray la dhowro
  3. In beesha calaamku ay ka taageerto wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland dhinaca farsamada ayna dhiirigeliso.
  4. In si wadajir ay dhinacyadu uga shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo tababarrada
  5. In labada dhinac ay si siman u wadaagaan deeqaha caalamka laga helo.
  6. In saddex bilood gudahood lagu qabto Istanbuul shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii la isku afgaran waayay intii uu shirku socday.
  7. In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada.

SOMALILANDPOST.NET