DAAWO Kooxda Chelsea oo Sii Hejisatay Hoggaanka Horyaalka Ingiriiska, Garoonkeedana ku garaacday TOTTENHAM

Kooxda Hoggaaminaysa Horyaalka Ingiriiska ee Chelsea, ayaa guul ka gaadhay kulan ka tirsan Premier League oo ay gurigeeda ku marti-gelisay Kooxda ay isku-magaalada ka dhisan yihiin ee Tottenham, iyada oo ciyaartu ku dhammaatay 3-0 ay kooxda Mourinho ku badisay.

CHLEKulanka caawa ee Chelsea oo noqonaya kulankeedii 14aad ee ay guulaysatay Horyaalka Ingiriiska, iyada oo badi kulamada 14-ka ee la ciyaaray guul ka gaadhay, waxaanay tani ka dhigaysaa inay meel iska dhigtay  saddex Ka mid ah Afarta Kooxood ee  ka dhisan magaalada London ee kala ah Arsenal, QPR iyo Kooxda Tottenham marka laga reebo kooxda Westham oo kulamadoodu u hadhsan yihiin.

HALKAN KA DAAWO GOOASHII CIYAARTA