Daawo Khudbad Arrimo badan uu kaga hadlay oo madaxweyne Biixi ka jeediyey Fagaaraha Xuska 28-guurada 18 May

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa ka jeediyey xuska munaasibadda 28-guurada maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo maanta laga oogay guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Madaxweynaha ayaa khudbadda ka jeediyey Fagaaraha loo asteeyey dabbal-degga ee xuska 18-May ee magaalada Hargeysa, waxaanu shacabka ku hambalyeeyey xuska 28-guurada oo maanta ku beegan. Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan sidii loo cidhib-tiri lahaa aafada qabyaaladda oo uu sheegay inay xarsho ku hayso Qaranimada.

 

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA OO UU KAGA HADLAY ARRIMO KALA DUWAN OO DHINACYADA SIYAASADDA, ARRIMAHA BULSHADA IYO DHAQAN-DHAQAALE, KA DAAWO MUUQAALKA