Hargeysa (SLpost)- Telefishanka madaxa-bannaan ee Horn Cable TV, ayaa barnaamijkiisa HAL-ADAYD oo uu ku waraysto siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka magaca leh ee Somaliland, waxa uu ku soo qaatay Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo telefishanku wax ka weydiiyey arrimo xaasaasi ah oo khuseeya sooyaalkiisii nololeed ee dhinacyada shaqsiyadda, siyaasadda iyo arrimo kale.
Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah shakhsiyaad faro-ku-tiris oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii soo maray Somaliland, isagoo dhammaan soo wada-qabtay xilalka iyo hay’adaha ugu muhiimsan dowladda, ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey xilal uu soo qabtay xilligii dowladdii Siyaad-Barre.
MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HORDHACA BARNAAMIJKA HAL-ADAYG.