Daawo:- Fanaanada Adele Oo Ku guulaystay afarta abaal marinood ee ugu sareeya Ingiriiska

London(Slpost):- Fanaanada Adele, ayaa ku guulaysatay afarta abaal marinood ee ugu sareeya, dalka Ingiriiska, waxaanay ku guulaysatay, fanaanada ugu wanaagsan kali heesida, albamka ugu fiican sanadka 2016-ka iyo gabadha ugu wanaagsan fanaaniinta Britishka ah.

Abaal marinta muusiga ee dalka Ingiriiska, oo todobaadkan lagu qabtay magaalada London ayay haweenaydani farxad ka muujisay, abaal marinaha kala duwan ee ay heshay, waxaana si wayn loogu sacab tumay, hees ay u qaatay cirbixiyeen Ingiriis ah oo hawada sare ku maqan.