DAAWO Dabaal-Degyo Xooggan oo galabta Gilgilay Boorame Kaddib Guuushii Xulka Gobolka Awdal

Boorame (SLpost)- Dadweyne tiro badan oo damaashaadaya ayaa gelinkii dambe ee maanta isugu soo baxay caasimadda gobolka Awdal ee Borama, kaddib guushii Xulka Kubadda Cagta gobolka Awdal maanta ku hantay koobka tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo maanta la soo gunaanaday.

Xulka Kubadda Cagta gobolka Awdal oo Finalka tartanka kubadda Cagta maanta ay ku haleeleen xulka gobolka Saaxil, ayaa guushu ku raacday 2-1, waxaana halkaas koobka gobollada ee ay ku guulaysteen ku guddoonsiiyey madaxweynaha Somaliland oo goob-joog ka ahaa ciyaarta maanta lagu soo gunaanaday tartanka.

dabbaal-dega-boramaTartanka oo noqonaya kii todobaad ee loo qabto gobollada Somaliland, ayaa 27-kii bishan ka furmay Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa oo lagu sii anba-qaaday wareegga 2aad ee tartanka, kaddib markii wareeggii hore ee tartanka lagu qabtay magaalada Boorama horaantii sannadkan, halkaas oo gobollada intooda badan lagu reebay.

Waxa tartankan soo xidhay isla markaana garoonka ku sugnaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xulka gobolka Awdal guddoonsiiyey Koobka ay ku guulaysteen.

HALKAN KA DAAWO DAMAASHAADKA REER BORAMA