DAAWO Bilicda Sawirrada Soo-dhaweynta Madaxweynaha Somaliland iyo Wacdarihii Shacabka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn oo xamaasad iyo waddaniyadi ku dheehan tahay usoo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa.