Ceerigaabo (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal uu xaaladda ay ku sugan yihiin ugu kuur-galayo ku marayey gobollada Bari, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.
Weftiga Madaxweynaha ayaa xalay u hoyday degmada Ceel-afweyn kaddib markii uu ka amba-baxay xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo uu labadii maalmood ee u dambeyey saldhig u ahayd safarkiisa gobollada Bari, isagoo socdaalkiisa ku gaadhay deegaamo ka tirsan gobolka Sool oo caasimadda Laascaanood ku jirto.
Weftigii Madaxweynaha, ayaa markii ay maanta gaadheen duleedka xarunta gobolka Sanaag, waxa uu soo-dhawayn ballaadhan kala kulmay Dadweynaha iyo Maamulka magaalada Ceerigaabo.
DAAWO BILICDA SAWIRRADA