DAAWO Barnaamijka “Hiilka Nebigeenna (CSW)” oo Culimadu soo bandhigeen

Culimada ugu caansan geyiga Soomaalida ayaa ka qayb-galay Barnaamij loogu magacdaray “Hiilka Nebigeena Muxammed (csw)”; kaasi oo loogu talogalay in ummadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogeen ee Afka Soomaaliga ku hadla in loo soo bandhigo mowduucyo kala duwan oo taabanaya Nebi Muxammed (CSW).

Barnaamijkan oo ka kooban sagaal qaybood oo koob-kooban, islamarkaana leh xiiso gaar ah marka la eego habka loo diyaariyay waxa ay ay culimadu ka hadli doonaan Nasabkii Nebi Muxammed (CSW) & dhalashadiisii, Tilmaamaha Muuqaalkiisa ee Jidh ahaaneed, sifooyinkiisii Dhaqan ee uu kula dhaqmayay bani-aadamka kala duwan, ha noqoto asxaabtiisa, haweenka, carruurta & xataa xayawaanaadka & manoolaha. Waxa kale oo ka mid ah mowduucyada barnaamijkan hoggaamintii Nebi Muxammed (csw).

barbaraawiWaxa kale oo ay culimadu kaga hadlayaan barnaamijkan Risaaladdii ama farriintii Nebi Muxamed (csw) uu Illaahay (swt) u soo dhiibay ee caalamkan uu kaga saaray madowga & duliga, una saaray iftiinka & iimaanka.

Barnaamijku waxa kale oo uu soo bandhigayaa Mucjisooyinkii Nebiga (csw), fadliga & ammaanta Nebiga, Xukunka sharciga ah ee qofka aflagaadeeya nebigeena suubban (csw). Waxa kale oo ay culimadu ka hadleen sidee loogu hiilinayaa Nebigeena Muxammed (csw) & ugu dambeyn dardaarano ku wajahan bulshada & qisas kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii ay la kulmeen dadkii Nebiga aflagaadeeyay.

Culimada ka qayb-gashay barnaamijku waxay kala yihiin:

  1. Sh. Muxammed Sh. Cumar Dirir
  2. Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jowhar
  3. Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi)
  4. Sh. Muxammed Maxamuud Cadduur (Khaashici)
  5. Sh. Ciise Maxamuud Cabdillaahi
  6. Sh. Muxammed Haybe
  7. Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil
  8. Sh. Almis Yaxye X. Ibraahim
  9. Sh. Cusmaan Cali Xuseen
  10. Sh. Cali Warsame
  11. Sh. Axmed Cabdillaahi Aadan (Shacbaan)
  1. Sh. Xasan Muxammed (Jaabir)

Culimada waxa kale oo barnaamijkan ku weheliya abwaano ku soo bandhigi doono gabayo ay kaga hadlayaan Nebigeena sharafta badan (csw), oo ay ka mid yihiin Abwaan Yuusuf Shaacir, Abwaan Axmed Digaale Qorane & Sh. Maxamed Khaashic, oo kaga qaybgalaya barnaamijka gabayo afcarabi ah oo qaar ka mid ah asxaabtii Nebigu (csw) ay Nebiga ku ammaaneen.

Barnaamijkani waxa uu si taxane ah uga bixi doonaa dhammaan TV-yada wadanka; waxa kale oo laga heli karaa Youtube-ka & Maktabadaha Diiniga ah.