Daalibaan Oo La Wareegay Magaalooyin Muhiim Ah Dalka Afgaanistaan

Afgaanistaan(SLpost)-Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Afghanistan ayaa muujinaya in mid ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsanaa ee gobolka Helmand ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan kooxda Taliban.

Mudane ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka oo laga soo doorto Sangin ayaa u sheegay BBC in saldhigii booliiska ee ugu waynaa magaalada iyo xaruntii degmada dhismaheedii ay gacanta u galeen maleeshiyada maanta oo Arbaca ah.

Taliban, ayaa sheegtay in calankoodu uu ka dul babanayo xarumahaas. Dhowr boqol oo ciidamada amniga ah ayaa hadda magangalyo u galay xeryaha ciidamada. Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in diyaarad looga soo duuliyay degmada Sangin. Ciidamo xoojin ah oo dowladda dhexe soo dirtay ayaa gaaray gobolka.