Daahir Rayaale oo Khilaafka Xisbiga UDUB iyo rejadiisa barbar-dhigay Khilaafkii Kulmiye ka dhex qarxay Shirweynihii Burco, soona dhaweeyey inuu Axmed Yuusuf Yaasiin Xisbiga ka tago

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga khilaafaadku ragaadiyeen ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay rejada uu ka qabo in Xisbigiigu ku soo baxo doorashada golayaasha deegaanka ee soo socdo, waxaanu soo dhaweeyey in Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigu Axmed Yuusuf Yaasiin uu Xisbiga isaga baxo.

Guddoomiye Daahir Rayaale oo maanta gurigiisa shir-jaraa’id ku qabtay, waxa uu iclaamiyey in Xisbiga UDUB uu bishan dhammaadkeeda qabsan doono shirweyne dib u habayn loogu samaynayo golaha dhexe iyo murashaxiinta uga qab-galaysa doorashooyink goleyaasha deegaanka.

Daahir Rayaale oo ka hadlay Khilaafaadka Xisbiga UDUB regaadiyey iyo rejada uu ka qabo dib u soo noolaanshihiisa, waxa uu isbarar ku sameeyey xaaladda Xisbigiisa ee wakhtigan iyo khilaafkii Xisbiga talada haya ee KULMIYE ku dhacay shirweynihiisii uu ku qabsaday magaalada Burco, “Waxaan ku wargelinayaa bahweynta Xisbiga UDUB inay 25 Bishan Documentiga Xisbiga ka soo raadsadaan xarunta Xisbiga, 27-ka bishanna 8-da subaxnimo Shirkii Golaha Dhexe ee UDUB waxa uu ka furmayaa Hotel Ambassador, waxaanan ku wargelinayaa Golaha Dhexe, heer gobol, dhammaantood inay ka soo qayb-galaan shirka oo noqonaya mid lagu dar-dargelinayo xisbiga UDUB inuu si toos ah uga qayb-galo muddada yar ee ka hadhay doorashada Golayaasha deegaanka,” ayuu yidhi Daahir Rayaale oo ka hadlayey iclaaminta wakhtiga xisbigu shirweynaha qabsanayo.


Guddoomiyaha UDUB oo la weydiiyey cidda ay shirka u qabanayaan maadaama xisbigu garabyo u kala jabay, dad badanna ka baxeen, waxa uu ku jawaabay, “Saddex xisbibaa dalka ka jiray, maanta sagaalbaa lagu tartamayaa, lixda urur ee farcamaya saddexdaas ururbay ka farcameen. Inta Saaxibul-mabda’a ah ee xisbiga ku hadhay ayaa shirka loo qabanayaa. Hadday shakhsiyaad ka tageen, qaar kale oo ku soo biirayaaba way jiraan.”

Mar la weydiiyey goorta ay murashaxiinta uga qayb-galaysa doorashada goleyaasha deegaanka, waxa uu yidhi, “Marka aanu shirka qabanno muddo todoba cisho gudahooda ah ayaanu kaga gaadhsiinaynaa murashaxiinta degmooyinka oo dhan.”

Md Rayaale waxa uu soo dhaweeyey in Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Xisbigu isaga tago Xisbiga UDUB, waxaanu sheegay inuu ku ammaanayo haddii uu go’aankaas qaato, “Waxaan isleeyahay go’aan fiican ayuu qaatay maadaama raggii uu kaxeeyey iyaga dhan ay xisbiga ka tageen, Golaha Guurtidana isaguna wuu ku jiraa, anigu waan ku jiraa. Mar kasta waan ku ammaanayaa go’aanka uu qaato, wax ceeb ah oo aan u hayaana ma jirto.”

Isaga oo la weydiiyay sida uu u arko in dadka qaar ku eedeeyaan inuu hormood ka yahay khilaafka xisbiga kala irdheeyey iyo rejada uu qabo inuu xisbigu ku soo baxo doorashada goleyaasha deegaanka, waxa uu yidhi, “Anigu Khilaafka ma keenin ee aniga oo maqan ayuu khilaafku abuurmay, waxaan u imi inaan khilaafka dhammeystiro, nasiib-darro intii badneyd way ogolaatay oo taladaydii ayay raacday, xoogaa taladaydii diiddayna inay xisbiyada kale ku kala biireen waad ogtihiin waana caado ay xisbiyadu leedihiin. Xisbiga KULMIYE waa kii Burco ku kala tagay, intii xaasilka ahayd ee mabda’a aaminsanayd ayaa isugu soo hadhay, UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd maant way ku sugan yihiin.”

“Rejada aan qabaa waxa weeyi UDUB waa xisbi lagu xusuusto waxqabadkiisii, umadda reer Somaliland taageero ayay siin doontaa, waxaanan rejaynaynaa in Xisbiga UDUB noqon doono ka koowaad ama ka labaad saddexda xisbsi ee soo bixi doona.”

Ugu damayntii, Daahir Rayaale oo wax laga weydiiyey kaalinta mucaaradnimo ee Xisbiyada wakhtigan jira iyo in Xukuumaddu gacanta ku dhigtay isla markaana aanu dalka mucaarad ka jirin, waxa uu ku jawaabay, “Toosintu way iman doontaa, horena waan uga hadlay mawqifkayga.”

Xisbiga UDUB oo u kala jabay laba garab, wakhtigan xaadirka ahna aan ilaa imika soo bandhigin murashaxiin uga qab-gala doorashooyinka Deeganka, ayaa dad badani ku eedeeyaan inuu Guddoomiye Daahir Rayaale xuddun u yahay khilaafaadka xisbiga kala irdheeyey, iyada oo arrimo badan oo ku saabsan bedelaadda hoggaanka xisbiga ay sababeen khilaafaad dhexmara isaga iyo xubno uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhawaan sheegay inuu Xisbigaas isaga baxayo kuna biirayo Golaha Guurtida, haddii uu Daahir Rayaale ku sii adkeysto go’aankiisa hoggaaminta Xisbiga.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net