Daahir Rayaale oo ka hadlay Xaaladda Dalka, Doorashooyinka, Saami-qaybsiga iyo Xiisadda Ugaaska Gada-buursi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa khalad Sharci ku tilmaamay Go’aan Maxkamadda sare ka soo saartay qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada, ka dib markii Madaxweyne Biixi u gudbiyey Codsi ah inay go’aamiso in doorashada lagu galo Saami-qaybsi la’aan.

Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo sababay in Xiisad Siyaasadeed ka bilaabanto Gobolka Awdal isla-markaana Bulshada badhkeed go’aamiyaan inaan deegaankooda Doorasho ka dhacayn iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Mudane Rayaale oo dalka dibeddiisa ku nool ayaa Khadka Telefoonka ugu warramay Telefiishanka SAHAN ayaa isagoo ugu horrayn ka hadlaya habkii lagu galay doorashada Golaha Wakiillada sannadkii 2005-tii iyo dheeliga illaa hadda ka muuqda Kuraasta Golaha Wakiillada ayaa yidhi “Doorashada Golaha Wakiillada, wakhtigaa isaga ah (2005) Laascaanood doorasho kamay dhacaynin iyo bariga Sanaag, sidaasi darteed Doorashadaa waxaanu ka dhignay doorasho ku meel-gaadh ah, maaddaama oo aan doorashada si siman loo wada geli Karin, markaa Natiijadii doorashadaa ka soo baxday dheeli baa ku yimid, dheeligaasi wuxuu ahaa Awdal 3 xubnood baa ka go’day, Bariga Sanaag iyo Sool-na qayb badan baa ka go’day, kuraasta intoodii badnayd waxay ku soo urureen gudaha. 15 sanadood ayaa laga joogaa oo uu dheeligaasi ku jiraa Golaha Wakiilladu, Qodobka aan Maxkamadda geeyay wuxuu ahaa in Dadka tiro dhab ah loo sameeyo, si Gobol kastaaba uu Tiradiisa ugu calaf qaado, taasina ma dhicin.”

Daahir Rayaale wuxuu soo jeediyey Talooyin “Xaaladda hadda taagan laba arrimood baa lagaga gudbi karayaa oo doorashada Golaha Wakiillada lagu qaban karayaa, ta koowaad in si miisaanka Golaha Wakiilladu isugu soo dhawaadaan Darafyada iyo inta dhexe in tiro lagu Daro Bari iyo Galbeed oo 100 la gaadhsiiyo tirada Golaha Wakiillada, 9 Galbeed ah iyo 9 Bari ah, si ay isugu soo dhawaato dheeliga ku jira Golaha Wakiilada, taasi oo ku meel-gaadh ah, kuna xidhnaanaysa in marka Tiro-koobku yimaaddo dib loogu noqdo tiradii 82-ka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii taasi aanay suurto-gal ahayna waxa laga guuri karaa sidii wax lagu qaybsaday 1993-kii in Gobol kastaaba uu tiradiisa ku galo, taasi oo iyaduna ah ku meel-gaadh inta laga gaadhayo Tiro-koonkii ay Maxkamadda Dastuuriga ahi soo saartay.”

Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Maxkamadda sare ku go’aamisay in Saami-qaysbi la’aan lagu galo doorashada Golaha Wakiillada, maaddaama oo aan xilligan la samayn Karin Saami-qaybsi  “Ta labaad, Maxkamadda Dastuuriga ahi Go’aanka ay qaadatay mar labaad baa Maxkamadda Dastuuriga ah loo qoray in loo qorana sharcigu ma banayneyn, Go’aankii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo saarayna wuxuu ahaa Go’aan aan sharci ahayn, Waayo? Maxkamaddu xaq uma laha inay tidhaahdo Qodob baan badhna ka saaray badhna ka tagay, Go’aankaasi wuxuu ahaa Go’aan macno-darro ka dhigaya, Maxkamaddana qiimo-tiraya, taasina ku dhaqan sharci malaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Cabashada reer Awdal ee Saami-qaybsiga “Reer Awdal waa Somaliland, waa aasaaskii (Somaliland) iyaguna Somaliland kama maarmayaan wayna ahaanayaan weligood, waxaase u baahan haddii Madaxweynuhu u yeedhay oo ay Qoladii Salaadiinta is khilaafeen waxa habboonayd inaan khilaafkaa lagu deynin ee laga daba tago, Madaxweynaha laftiisu uu u tago ilayn waa Dadkiisiiye oo iyagana midnimadooda ka shaqeeyo, waxyaabaha ay sheegayaana wixii uu ka qaban karo uu ka qabto, wixii aanu Maanta qaban karina uu kala soo ballamo, taasina waa hawl illaa Maanta u bannaan.”

Mudane Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay Ugaaska guud ee Beelaha Awdal oo dhawaan Dawladda Somaliland ka hor istaagtay inuu Boorama tago “Ta Ugaaska, Anigu waxaan qabaa in Ugaas u imanaya Dadkiisa in Ciidan laga horgeeyo oo weliba Xabbad lagu rido gef baan u arkaa, taana Madaxweynaha ayaan si gaar ah ugu leeyahay Arrintaa Adigaa gefkeeda iska  leh, Cid kasta oo kugula talisayna talo khaldan ayay kugula talisay, waxaanan kuu soo jeedinayaa inaad Raalli-gelin ka bixiso, Waayo? Nin Ugaas ah oo reerkiisii u imanaya in laga celiyo Waddo bannaan maaha, wax dhaqan inoo ahaydna maaha. Ugaaska laftiisa waxaan u sheegayaa markii uu cadhooday hadal aan loo baahnayn ayuu yidhi sida Awdal baa la haystaa, waxaan leeyahay Hadallada noocaas ah inaad ku hadasho adiga oo Ugaas ah waa khalad, Dadka reer Awdal iyagaa dhistay Somaliland, Cid haysataa ma jirto, Dadka aad Ugaaska u tahay Cidda qudha ee Guul siyaasadeed samaysay iyo horumar waa Dadka Somaliland ku nool ee reer Awdal, waa inaad ku faanto, maaha inaad wax ka sheegto, waa inaad u dhaqantaa sidii Aabbahaa iyo Awoowyaashaa u dhaqmayeen.”

Ugu dambayn, wuxuu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay Midnimadooda ilaashadaan, kuna fikiraan sidii ay Somaliland u gaadhsiin lahaayeen ujeeddadii markii hore loo aasaasay “Waa inay ilaashadaan Wada-jirkooda, wada noolaanshahooda, inay iska daayaan waxa yar ee kala qoqobka ah.” sidaas ayuu yidhi Md Daahir Rayaale.