Daadad Iyo Duufaanno 17 Qof Ku Dilay Faransiiska

 

Paris(SLpost)-Dabaylo iyo daadad ayaa ku dhuftay koonfurta bari ee dalka Faransiiska, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 ruux waxaana la la’yahay afar ruux oo kale sida ay sheegayaan saraakiishu.

Seddax qof oo waayeel ah, ayaa qaraqmay, kaddib markii uu daad qaaday gurigooda oo ku yaallay magaalada Antibe.

Dad kale ayaa dhintay kaddib markii uu daad qaaday gaadhiyadooda oo marayey wadooyinka dhulka hoos mara ama gaadhiyadooda oo yaalay goobaha baabuurta la dhigto ee dhulka ka hooseeya.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa uga mahadceliyay kooxaha gurmadka ah sida ay ugu shaqeynayaan dalkooda.

Hollande, gobolada ay roobabka saameeyeen wuxuu kaga dhawaaqay xaalad dagdag ah oo dabiici ah.

Roob aad u badan, ayaa gelinkii dambe ee sabtida ka da’ay gobolka Riviera ee Faransiiska, kaas oo dhaca xeebta badda Mediterranean-ka, isla markaana soohdin la leh dalka Talyaaniga.

Webiga Brague, ayaa fatahay, waxaana biyihiisu ay gaadheen magaalooyinka ku dhow dhow.

Wadooyinka iyo khadadka tareennada ee deegaanka uu roobka saameeyay ayaa la xidhay.

Boqolaal dalxiisayaal ahna, waxa ay gabaad ka raadsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nice.