Daad ku fatahay Uruguay

Daadadkan dhasahay kuma cusba dhulka joogiisu hooseeyo eeg gobolada Koriyente, iyo Entre Riyos,

Goboladan waxaa ku hareeraysan dalalka, Parugway, Urugway iyo wabiyada Parana.Laakiin jooga biyaha ayaa si layaabl eh sare ugu kacay todobaadkii hore.

Saddex maalmood ayay roobab mahiigaano ah da’ayeen, arrintaas oo sababtay in ay wabiyadu tan dhaaafaan. Inta badan dadka ay markiiba waxyeeladu gaadhay waxay ahaayeen reer Parugway, laakiin waxaa hadda walaaca u wayni uu haystaa Argantin.

Xukuumaddu waxay sheegtay in biyoxireenkii ama waxyaabihii ay ugu talagashay in ay biyaha celiyaan in ay qarka u saaranyihiin in biyuhu ka awood bataan

Hadda roobabku way istaageen laakiin waxaa si dhaw loola socdaa cimilada.