“Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxaan gaadhsiin doona heer baahidii caafimaad ee dibedaha lagaga kaaftoomo” – Wasiir Xagla-toosiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa shaaca ka qaaday qorshe wasaaraddiisu u dejisay inay ku horumariso adeegyada Caafimaad ee cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kaas oo uu sheegay inay ka dhigi doonaan cusbitaal lagagaagaga kaaftoomo baahidii dibedaha loogu tegi jiray,

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo shalay ka hadlayey munaasibad uu xadhigga ka jaray adeegyo cusub oo cusbitaalka Guud lagu kordhiyey, ayaa sheegay in muhiimadoodu tahay sidii bulshadu u heli lahayd adeegyo caafimaad tayeysan.

wasiir-Xaglo-toosiye2“Siyaasadda wasaaradda Caafimaadka muddadii aanu joognay waxa mudnaanta noo ah in adeegyada caafimaadku gaadhaan meel walba, in la tayeeyo adeegyada caafimaad, bulshaduna hesho, in la dhiso dhamaan kaabayaasha caafimaad ee dalka. Intaanu joognay adeegyo badan ayaa ku soo kordhay cusbitaalkan,”sidaa waxa yidhi wasiirka Caafimaadka.

Dr. Saleebaan Xagla-toosiye oo ka hadlayey qorsheyaasha uga yaala horumarinta adeegyada Caafimad ee cusbitaalka Hargeysa, waxa uu sheegay inay gaadhsiin doonaan sida cusbitaallada caalamka, waxaanu yidhi, “Qorshahayaguna waa in adeegyada caafimaad ee bulshadu dibedaha u doontaan kaga kaaftoomaan dalka, halkana ku qabsan karno. Cusbitaalka Hargeysa, maadama dalka oo dhan looga yimaado, waxaan doonaynaa inuu bixiyo dhamaan adeegyada laga helo cusbitaalada caalamka, insha alaah inta awoodayada ahna keeno qalabka ka dhiman, kordhina ku samayno dhismahiisa.”

Dhinac kale, Waxa halkaas ka hadlay, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo faahfaahiyey noocyada adeegyada cusub ee shalay lagu soo kordhiyey,  waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta (Shalay) waxaan daahfuraynaa mishiinkii aynu mudadda ka soo shaqeynaynay ee CT Scan oo ah kombuutar samayn kara in lagu baadho cudurada noocyo badan. Maskaxda, caloosha, sambabada, lafaha intaba lagu ogaan karo hadii dhibaato jirto, khaasatan lagu ogaan karno dhaawacyada shilalka. Waxa kale oo yaala saddex bas oo wasiirka Caafimaadku u diray cusbitaalka, loona adeegsan doono shaqaalaha. Waxaan kale oo aanu daahfuraynaa qeybta ilkaha oo mashiino cusub ku soo kordhinay, qalabkiina u dhamaytiran yahay. Bulshadana waxaan ugu baaqaynaa in adeeg jaban u fidin doono qeynta ilhaha ee cusbitaanlka Hargeysa, kuna soo hirtaan.

Dhinaca kale, wareegga talaalka cidhibtirka cudurka dabaysha, ayaa maanta lagu wadaa guud ahaan dalka inuu ka bilaabmo.

SOMALILANDPOST.NET