Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo loogu deeqay Qalab Caafimaad oo Adeeggiisa loo heellanaa

Hargeysa, (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka gudoontay Hay’ada Kuwayt Joint Relief qalab caafimaad oo lagaga hawl galayo qaybta Gar-gaarka deg dega ah ee cisbitaalka guud ee caasimada Hargaysa, kaas oo adeeggiisa caafimaad uu cusbitaalka u heellanaa.

Xaflad loo sameeyay gudoomista qalabkan oo lagu qabtay hoolka Cisbitaalka Guud ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Ganacsiga Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal, Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA C.waaxid C.raxmaan C.qaadir,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, Agaasimaha Cisbitaalka Axmed Xaaji Cumar Askar.

Wakiilka Somaliland ee hay’ada Kuweyt Joint Relief Axmed Xasan Madar oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in qalabkani uu isugu jiro agabka lagu fuliyo qaybta adeegyada gargaarka deg dega ah kuwaas oo wax weyn ka taraya sida uu sheegay dadka shilalka la kulma ee Cisbitaalka la keeno si ay u helaan gar gaar wax lagaga qabto noloshooda.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland C.risaaq Khaliif Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Wasaarada Caafimaadka ugu daray miisaaniyada bajad u gaar ah oo ay wax kaga qabato baahiya caafimaad ee bulshadeena la soo dersa.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay qalabkan gargaarka deg dega ah ee ay hay’adan Kuweyt Joint Relief ugu deeqday cisbitaalka guud ay wax ka tarayso baahi caafimaad oo taagnayd gaar ahaan sida ay xustay dadka la kulma shilalka kala duwan, Wasiir ku xigeenka Caafimaadku waxaa kale oo ay iftiimisay in Mudadii ay Xukuumada ay ka tirsan tahay hogaaminta qaranka haysay ay ka hirgaliyeen Cisbitaalka Guud ee Caasimada mashaariic door ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Mishiinka Kelyaha Sifeeya oo aan dalka hore looga isticimaali jirin iyo hawlo dib u dhis ah oo ay ka fuliyeen cisbitaalka ,Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland waxaa kale oo ay u mahad celisay hay’adan soo gaadhsiisay deeqdan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Cisbitaalka Caasimada.

SLpost News/Hargeysa