Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadan oo la filayo Habeen Dambe oo Arbaca ah

khaliil

Hargeysa (SLpost)- Adduunweynaha Islaamka, ayaa si xooggan looga diyaar-garoobayaa soo dhawaynta curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo la filayo inay bilaabanto Habeen dambe oo Arbaco ah.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Curashada bisha Barakaysan ee Ramadan ay buugan tahay Habeen Dambe.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil oo caawa u waramayay Idaacadda Hargeysa, waxa uu Sheegay inaan caawa la arag curashadda bisha Ramadaan isla markaana aan laga soo sheegin dalalka aynu isku Madlaca nahay, sidaa darteed, waxa uu Wasiirku xusay in la dhamaystirayo Soddonka Bisha oo maanta ku buuxsamaya, waxaanu sheegay in Maalinta Arbacada ay Ramadaan Kow Tahay.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan Fadliga bisha Ramadaan isla markaana ay Khayr iyo Acmaal Wanaagsan ku dhammaystaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu uga digay dadka Kariya Cuntooyinka Maalin-nimada ay dadku sooman yihiin in laga qaadi doono talaabooyin adag oo ciqaab ugu filan.

SOMALILANDPOST.NET