Cuqaasha Iyo Wax-garadka Beelaha Sacad Muuse oo taageero mug leh ku barbar-joogsaday Go’aankii Golaha Guurtida Muddo Kordhinta ugu sameeyeen Xukuumada Siilaanyo Iyo Wakiilada

smuseHargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah cuqaasha iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha Sacad Muuse, ayaa taageero xoog ah u muujiyey go’aanka muddo kordhinta ah ee dhawaan golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo aqalka golaha Wakiilada, waxaana ay sheegeen in taageero buuxda u hayaan go’aankaasi isla mar ahaantaana ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ugu hambalyeynayaan mudada loo kordhiyey, iyaga oo sida oo kalena soo saaray bayaan taageero ah oo ay golaha Guurtida Somaliland ku barbar istaagayaan mudada uu kordhiyey,

Cuqaasha iyo Wax-garadkan, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaana ay tilmaameen in golaha Guurtidu ay yihiin gole dastuuri ah isla mar ahaantaana xaq u leh in uu sameeyo muddo kordhin maadaama dib u dhac ku yimi doorashooyinkii la filaayey badhtamaha sanadkan in dalka laga qabto, iyaga oo sida oo kalena xisbiyada iyo beesha caalamkana ugu baaqay in ay u hoggaansamaan go’aanka muddo kordhinta ah ee ay soo saareen mudaneyaasha aqalka golaha Guurtida Somaliland.

smuseAmiir Xasan Ismaaciil Bookh oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi:”Waxa weeyaan Guurtidu waa marjacii loo noqonaayey ee wadanka, mar xalado badan ayey ka soo baxday oo ad adag ama dawladihii jirayba dhexdooda ha noqoto ama qabaa’ilka dhexdoodaba ha noqoto, Guurtida macnaheeda ninkii garanayaa waa uu garanayaa, in la taageeraana waa waajib, walibana waa madaxii ugu sareeyey ee dalka. Haddaanu nahay beesha Sacad Muuse Subeyr-na taageero buuxda ayaanu siinaynaa, waa na looga horeeyey oo salaadiintii waa ay hadashay, se halkan waxaa jooga waa dhamaan cuqaasii oo dhan, kuwii hore ayaanan xoojinaynaa, go’aanka Guurtidu soo saartayna si balaadhan ayaan u soo dhawaynaynaa, waana aan ku raacsanahay.”.

Caaqil Cali Maygaag Muuse oo isna sida oo kale halkaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa waxaa uu yidhi:”Maanta mawqifka ay iskugu timi beesha Sacad Muuse ee cuqaasheedii oo dhami ay halkan joogto ujeedadoodu waxa weeye go’aankii Guurtida ka soo baxay ee ahaa muddo kordhinta xiligii xilka dawlada iyo baarlamaanka ku eekaa kadib in ay kordhiyeen muddo sanad iyo toban bilood ah, beeshuna waxaa ay si mugleh u taageeraysaa sanadkaa iyo shanta bilood golaha Guurtida ka soo baxay, intaa waxaan ku darayaa, xiligii doorashadii Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa lagu dooranayey cod badan ayaa ay ku soo baxeen, se haddana waxaa muuqata in dadkii wakhtigaas u codeeyey aanay hilmaamin codkoodii oo ay u codeeyeen madaxweyne dalka horumar gaadhsiiyey, waxaana cad oo uu maaqata in maanta muddo kordhinta ay ka soo baxday in wali madaxweynaha dad badan ay taageero buuxda u hayaan, waana ay ku mahadsan yihiin mar haddii ay qireen waxqabadkii xukuumada. Golaha Guurtiduna aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin.”.

Ugu danbeyntiina cuqaasha iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha Sacad Muuse, ayaa waxa halkaan laga akhriyey bayaan ku taageerayaan go’aanka golaha Guurtida Somaliland, sida oo kalena ay xisbiyada mucaaradka iyo beesha caalamkaba ugu baaqayaan in ay u hoggaansamaan go’aanka muddo kordhinta ah ee golaha Guurtidu ay u sameeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana baaqan oo ka koobnaa Todoba qodob uu u dhignaa sida tan:

Bayaan Taageero Ah:

Odeyaashu waxaa ay taageero buuxda ku taageeerayaan go’aankii Guurtidu ay ku gaadheen muddo kordhinta xukuumada iyo golaha Wakiilada.

Odeyaashu waxaa ay barbar taagan yihiin kuna ayidsan yihiin golaha Guurtida, awooda xaqa dastuuriga ah ee ay u leeyihiin go’aan ka gaadhida, marxalad kasta oo timaada.

Waxay hambalyo iyo boggaadin ugu soo jeedinayaan golaha Guurtida  go’aanka mudada sanadka iyo tobanka bilood ah, mudadaas oo aan ka fogayn mudadii ay asxaabtu heshiiska ku ahaayeen.

Dhammaanba bulshada Somaliland gudo iyo dibadba, taageeradaas ayaanu ku barbar taaganahay go’aanka ay soo saareen golaha Guurtida Somaliland, maadaama ay Guurtidu tahay golaha musdanbeedka jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu cod dheer aanu ugu soo jeedinaynaa bulshada caalamka iyo saaxiibada Somaliland in ay taageeraan iskuna barbar istaagaan go’aankaas ay soo saareen golaha Guurtida Somaliland.

Waxaanu xukuumada u soo jeedinaynaa in aanay cidna u dabo fadhiisan xaqa uu dastuurka jamhuuriyada Somaliland uu dhigaayo ee illaalinta dalnimada iyo dawlada Somaliland.

Waxaan ku dhiiri galinaynaa una soo jeedinaynaa asxaabta qaranka Somaliland in ay dhawraan una hoggaansamaan xaqa sharciga ah ee ay hay’addaha dawliga ahi ay leeyihiin, kana dheeraadaan waxii dalka burburinaaya amma fidmo keenaya.