Cuqaal iyo Wax-garad Si Adag u Cambaareeyay Xadhigga Guddoomiyaha & Tifaftiraha Wargeyska Haatuf (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Cuqaasha iyo Wax Garad Beesha Woqooyiga Hargeysa ayaa cambaarayay xadhiga mukiilaha iyo Tafaftiraha Wargeyska Haatuf iyo Xayiraadda Xukuumaddu saartay Wargeysyada Haatuf Media Network..

DSCN6950Masuuliyiinta Wargeyska, ayaa dorraad maxkamada gobolka Hargeysa todoba cisho rumaan ugu dirtay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeed beeshu soosaartay oo dhamaystiran waxa u dhignaa sidatan;-
“Anagoo ah waxgaradka, odayaasha,culumada,qurba-joogta lab iyo dhadig-ba ee bahweynta reer Gadiid.  Anagoo ixtiraamayna daris wanaaga beelaha kale:
Markaanu darisnay xeerka saxaafadda ee ay ansixiyeen golayaasha xeer dejinta oo si cad u tilmaamaya hab dhaqanka loo marayo anshax ka xayuubinta saxafiga, iyadoo si cad looga badheedhay oo cadaawad ah in loogu tunto sharafta iyo milgaha saxafiga, iyadoo ay ahayd in la
ilaaliyo xeerka saxaafadda.
Markaanu darisanay xeerka ciqaabeedka Soomaaliyeed ee loo adeegsaday
oo ah qodobaddan:
1-287 XCG oo leh-Eedayn been ah
2-215 XCG oo leh-Dacaayad ka soo horjeeda oo lidi ku ah wadanka
3-328 XCG oo leh-Daabacadda ama fidinta warar been ah oo khal-khal galinaya deganaashaha dadweynaha
4-269 (2) XCG oo leh – Aflagaado loo geysto laan siyaasi ah ama maamul ah ama garsoor ah
5- 269 Qodobka 2-aad oo leh – Ciqaab la mida ayaa loo cuskan doonaa cida adeegsta isgaadhsiin toos ah ama qoraal ama sawiro la gaadhsiiyo kooxda ama wakiiladood.
Haddaba xeerkan maaha kii loo adeegsan lahaa xeerka saxaafadda waana cadaalad-darro qaawan taasi.
Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaacii uu xaqa u lahaa muwaadinku iyadoo loo diiday inay difaacaan looyaradiisii u hadlayayna sid ay noo cadeeyeen.
Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolkii shabaga ee loogu talo galay argagixisadda isagoon gayin oo ah nin xaq u lahaa inuu si xora isku difaaco taana uu waayay xoriyatal qowlkii xaqa uu u lahaa.
Markaanu eegnay xaaladiisa caafimaad oon wanaagsanayn muwaadinkan lagu xadgudbay hantidiis, xoriyadiisa iyo caafimaadiisaba.
Markaanu ku baraarugnay xaqdaraddan taagan ee si qoto dheerna u lafa gurney, waxaanu cambaaraynaynaa xidhiga sharci-daradda iyo xiniinyo taabadka ah ee lagu waxyeelanay.
1.Jiritaanka xeerarka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer dajinta sida xeerka saxaafadda ee l laalay
2- Waxaanu cambaaraynaynaa oo kale oonu ka soo horjeedna xadhigan afduubka ah ee lagula kacay muwaadinka Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige
3- Haddii la ilaalin waayo xeerarka iyo milgaha muwadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badheedhaysa ee awoodeeda sharciga ku baabinaysa
4- Waxaanu cod dheer ku leenahay ugu dambayn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha xaq-daradda ku xidhan, waana in magdhow iyo raali-galin laga bixiya arrintan foosha xun”.
Magacyada warsaxaafadeedkan ku waxay kala ahaayeen sidantan;-
1-Mahdi Aadan Xaashi
2-Yuusuf Xuseen Xasan
3-Maxamed Nuur Cabdillaahi
4-Ibraahim X.Axmed Ildab
5-C/laahi Cali Yuusuf (xamaraawi)
6-Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil
7-Yuusuf Cali Ducaale
8-Axmed Maxamed Rooble
9-Iid Shabeel Cali
10-Axmed Khaliif Cabdi
11-Axmed Jaamac Faarax
12-Maxamed Axmed Muuse
13- Cabdillaahi Ismaaciil Xasan
14-Oday Yuusuf Caydiid
15-Axmed Cali
16-Shuun Xasan Maxamed
17-Aamina Carab Maxamed
18-Khadra Askar
19-Sahra Maxamed Cali
20-Muna Cabdi Cakala
21-Kowsar Cabdillaahi Yaasiin
22-Foosiya Cabdillaahi Xirsi
23-Sahra Jaamac Tukaale
24-Samsam Quule
25-Ifrax Cabdi Ruush
26-Sahra X.Jaamac
27-Basma Ibrahim Weerar
28-Khadra Maxamed Mooge
29Fahima Maxamed Mooge
30-Sacdiya Maxamed Mooge
31-Hibo Cali Muxumed
32-Safiya Aadan Xaashi
33-Ruun Faarax Maxamed
34-Hoodo Cabdillaahi Xasan
35-Xalimo Cismaan Maxamed
36-Hina Masalle
37-C/risaaq Caqli
38-Axmed Jirde Yuusuf
39-Ismaaciil Yuusuf
40-Mustafe Aadan Cismaan
41-Maxamed Cabdillaahi Diiriye
42-Xuseen Maxamed Rodol
43-Rashiid Cabdi Cali
44-Khaliil Ibraahim Xawaadle
45-Cabdillaahi Gahayr Jaamac
46-Axmed Aadan Cabdi
47- Maxamed Maxamuud Jaamac
48-Cali Muxumed Xirsi
49-Siciid Cumar Xasan
50-Cabdi Cali Mahdi
51- Axmed Ismaaciil Xuseen
52-Xuseen Xasan Aadan
53-Siciid Cali Salaan
54-Dr Yaasiin Cabdi Cismaan
55-Dr Fahad Cumar Carte
56-Dr Najiib Axmed Shunuuf
57-Jiir Cali Madoobe
58-C/kariim Cabdillaahi Xaashi
59-Maxamed Aw-cali