Cuqaal Iyo Waxgarad Xukuumadda ugu Baaqay Ka Hortagga dhibaato ka soo fool-lejh Deegaanada Waqooyiga Hargeysa

woqooyigaHargeysa (SLpost)- Wax-garadka iyo Cuqaasha Deeganada Woqooyiga Hargeysa ilaa xeebta oo isku soo bax ballaadhan ka sameeyey shalay deegaanadaasi, ayaa xukuumadda Somaliland baaq cabasho ah ugu wax ka qabashada shakhsiyaad ay ku sheeganeen inay dano gaar ah oo sharciga baal-marsan ku doonayaan in ay seerayaal ama beero sharci daro ah ka sameeyeen deeganadaas oo aan laga ogolayn in cid gaar ahi oodato dhulka danta guud ee xoolo dhaqatada ama bulshada ka wada dhaxeeya.

Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa isu soo baxan ka sameeyey tuulooyinka Ceel la-helay, Ceel Sheekh Bildhaaley, Hulka iyo Tuulada Qabile, deegaanadaasi oo ka reeban in laga sameeyo seerayaal ama wax loogu yeedho Beero maadaama bulshada halkaasi wada degta ee walaalaha ahi yihiin kuwo xoolo dhaqato ah.

Cuqaashan iyo wax garadka ayaa waxa kale oo ay cabashadoodan ku sheegeen in ay tixgalinayaan xeererka u dajisan dhulka xoolo-daaqsimeedka ah waxaanay codsigoodan u direen wasaaradaha ay khusayso ee arimaha gudaha, deegaanka iyo xoolaha.

Cabashada wax-garadka deeganada ayaa ku aaddan kadib markii nin ganacsade ahi uu halkaasi ka bilaabay mashaariic uu ku doonaya in uu beero kaga samaysto  dhul balaadhan oo xoolo deeqsimeed ah sida ay ku waramayaan cuqaasha deeganadaasi taas oo keentay in ay sababto isku dhac colaadeed.

Geba-gabadiina cuqaasha iyo waxgaradka deegaanadani waxay xukuumada ka codsadeen in ay soo kala gaadho inta aanay dhibaato soo kala gaadhin dadka xoolo-dhaqatada ah iyo Ninka ganacsadaha ah.

Somalilandpost.net/Hargeysa