Cuntooyinka Iyo Dawooyin Ay Fiican Tahay In Aan La Cunin Marka Ay Calooshu Madhan Tahay

Hargeysa (SLpost)- Waxaa jira dhowr cunto iyo cabbitaan oo ay xeeldheerayaasha caafimaadka cuntadu ku taliyeen in aanay fiicnayn in uu qofku cuno marka uu gaajaysan yahay. Waxa ay khubaradu sheegeen in cuntooyinkani ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad balse keliya aanay fiicnayn in la cuno caloosha oo madhan, qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay, wargeyska A-Sharq oo ka soo baxa dalka Qatar waxa ay khubaradani ku sheegeen in sababta cuntadani aanay ugu fiicnayn caloosha madhani ay tahay in ay ku siyaadiyaan heerka asiidhka caloosha, kuna keenaan dhibaatooyin u gudbi kara isla markaana wax yeellayn kara hab-dhiska dheefshiidka.

Picture107-150x150

  1. Dawooyinka: Khubarada caafimaadku waxa ay ku taliyeen in qofku uu dawada mar la cuno cuntada ama cuntada kadib uu cuno, marar yar ayaanay dhacdaa in lagu taliyo in cuntada ka hor la cuno.

Dawooyinka qaar oo ay ka mid yihiin kuwa Antibiotics ka loo yaqaanno haddii la qaato caloosha oo madhan waxa ay khalkhaliyaan isu dheelli-tirnaanta asiidhka, sidaa awgeed waxa ay keenaan nabar caloosha ah.

Dhinaca kalana maadaama oo calooshu marka ay madhan tahay ay ku badan tahay asiidhku waxa ay keentaa in ay asiidhkaasi ku milanto dawada taasina ay wax yeesho milankii looga baahnaa, hoosna u dhigto waxtarkeedii.

  1. Bunka: Bunka arooryaad waxa uu keenaa firfircooni badan iyo baraarugsani dheeraad ah, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay ku talinayaan in bunku aanu noqon waxa ugu horreeya ee aad cabto marka aad gaajoonaysa. Bunka oo marka calooshu madhan tahay la cabbaa waxa uu caloosha ku badiyaa asiidhka waxa aanu keenaa khalkhal dhinaca hormoonnada ah oo qofka ku keena sakati, murugo iyo xasilooni darro nafsi ah.
  2. Shaaha: Si la mid ah bunka shaahu waxa uu kordhiyaan heerka asiidhka caloosha, taas oo qofka ku keenta calool olol badan, waana suurtogal in ay nabar caloosha ku keento.
  3. Cuntada busbaaska leh: Arooryadaada ha ku bilaabin cunto xawaashka iyo busbaasku ku badan yihiin, waayo waxa ay gubaan caloosha waxa aanay kordhiyaan asiidhka caloosha, waxa ay sidoo kale guntamid ku keenaan muruqyada

Xigasho Geeska Afrika