Cuntooyin u Wanaagsan Caafimaadka Caloosha oo si Fiican ula Dagaalama Calool-istaagga

Qaahira (SLpost)- Qormadan waxa ay soo bandhigaysaa dhowr ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada dalkeenna laga yaqaanno oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaadka caloosha, dadka calool istaagga joogtada ah ka cawda iyo kuwa cillad caafimaad darro oo dhinaca dheefshiidka ahi haysana kula taliyeen in ay isticmaalaan.

  1. Cabbista bunka:

In badan ayaa ay khubarada caafimaadku ka digaan in maadadda Caffeine ee ku jirta bunku haddii ay jidhka ku badato aanay u fiicnayn caafimaadka, gaar ahaan dadka qaba cudurrada ay ka mid yihiin dhiigkarka iyo wadne xanuunka iyo khalkhal hurdada ah oo uu dadka qaar bunku ku keeno. Laakiin haddana waxa ay khubaradu taas mar kasta barbar wadaan sheegidda faa’idooyin caafimaad oo maadaddan iyo maaddooyin kale oo bunka ku jiraa u leeyihiin jidhka.

Qormo caafimaad oo shabakadda Al-Carab faafisay ayaanay ku sheegtay in bunka oo ay ku jirto maaddooyin caawiya isku soo ururidda muruqyada midhicirada weyn, taas oo marka ay soo ururto sabab u noqota in aanay saxaradu ku sii jirin karin.

  1. Cabbista biyaha:Qofka oo maalin kasta cabbi waaya biyo jidhkiisa ku filani waxa ay jidhka ku keentaa qallayl iyo calool istaag, sidoo kale waxa ay dhibaato caafimaad ku keentaa keliyaha, kaadi mareenka iyo caloosha. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in biyuhu ay caloosha jilciyaan, sidoo kalana ay miisaanka ridaan maadaama oo biyo badan cabbistoodu ay qofka ka hor istaagto in uu cunto badan cuno.
  2. Cabbista caanaha:Caanaha waxaa ku jira nafaqo dhamaystiran iyo maaddooyin cunto oo jidhka ka caawiya in uu si habsami ah u dhamaystiro hawsha dheefshiidka. Sidaa awgeed waxa uu qofka ka caawiyaa in aanay calooshu istaagin.

Somalilandpost.net

Xigashi-Geeska