Cumar Binu Khadaabkii Ciidanka Dab-Demiska “Allow Yaa Sidaa Ka Wada Dhiga” – W/Q-Muxiyadii Moh’ed Mohoumed

Aniga Aragtidaydu Waxay I Tusisay inuu Sifooyinkii Suubanaa ee Cumar Binu Khadaab  uu Walaalkay Eng: guleed maxamed cabdi  Waxbadan Uu Ka Shabaho   Kuna Dadaalo.

Hogaaminta iyo Hawl Qabashadu Waxay Ku Xidhan Tahay Kartida Qofka iyo kalsoonida uu ku Qabo Inuu u Gudan Karo Waxa loo Igmaday,

taliyeMidna Waa u Dhalasho Aan Qofka Iska Dhigi Karin oo Waxaa ay Kamid Tahay Hibooyinka uu alle subxaana watacaalaa siiyo dadka qaar, guuleed tiisuna maaha mid aan la jeclaaday ama iska yeel-yeel ahe waa mid rabbi u dhaliyey.

Waa Laga Yaabaa In Akhristayaasha Qaar Ku Qiimeeyaan Qalinkaygan iyo aragtidaydan aan idinla wadaagayo mid aan ujeedo gaara ka leeyahay balse wuxuunbay iga tahay dhiirigalin iyo ku dhaadasho aan ku dhaadanayo Shaqsiyada holdoorka fiican noqon kara.

Somalidu marka ay doonayaan inay hogaamiyahooda doortan waxay ka duulaan aadna u qiimeeyaan murtida odhanaysa “dad waxa u talin Kara nin doofaar cay uga dulqaad badan, kurtin qorax uga adkaysi badan, dhagax qabow uga adkaysi badan oo kudkude gaajo uga adkaysi badan”.

 

Hogaamiye Muslim ah wuxu noqon karaa mid saxiib u ah cilmi iyo cadaalad lixdiisa laxaadna iyo dareemihiisuba badqabaan.

 

TALIYE GUULEED WAA HOGAAIYE :

* Curin Kara fikrado cusub.

* Wuxu darsaa dabeecadaha kooxdiisa.

* Wuxu barta fanka iyo xirfadaha hogaaminta wuuna ku dhaqmaa.

* Ma quusto waa mid go’aanle.

* Wuxu ilaaliya moraalka dadkiisa.

* Wuxu ka adagyahay naftiisa.

* Wuxu yaqaana waajibaadkiisa.

* Wuxu sugaa shaqadiisa.

* Wuxu daacad u yahay howshiisa.

* Wuxu soo saara go’aamo ceeb la’aan ah.

* Waa nin dagan oo aan fududayn.

* Waa nin si adag u haysta uguna dhaqma diinta islaamka.

 

TALIYE GUULEED MAAHA :

* Qofka noogu darajada sareeya balse waakan lagu daydo .

* Maaha kan noogu mushaharka badan balse waakan khatar abaaraha ah.

* Maaha kan naftiisa horumariya balse waakan kooxdiisa horumariya.

* Maaha maareeye balse waa curiye .

* Maaha qaate balse waa bixiye .

* Maaha afmiishaar balse waa dhagayste.

Dadaalka iyo kartida Qofna lama Dhalan ee Waa halka Shaqsiga kastaa uu kagaga hagaago hawsha iyo Sida Uu u Qabto Xilna iskagaga Saaro Waxaan Leeyahay “Allow Yaa Sidaa ka Wadda Dhiga”  Dhammaan hawlwadeenada iyo hogaamiyayaasheena hawlaha Qaranka midwalba oo Dhinaca heeganka kagaga jiro.

 

W/Q-Muxiyadii Moh’ed Mohoumed