Cukuse oo Si Ragganimo Leh Uga Dhabeeyay Balankii Uu Qaaday, Una Coddeeyay in aannu Muuse Noqon Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa waxa uu hore u sheegay in uu taageersan yahay saaxiibadiisii iscasillay iyo garabka isbahasga musharixiinta ee maanta shirka golaha dhexe ka maqnaa waxaana uu balanqaaday in uu xaggooda u codayn doono taasi oo macneheedu tahay in uu ka soo horjeedo Muuse Biixi iyo xulafadiisa.

Waxa uu maanta doorashadii golaha dhexe si cad  gacanta ugu taagay inaannu muuse Biixi noqon musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, iyada oo ay hareeraha ka fadhiyaan madaxweynaha somaliland iyo gudoomiye Muuse Biixi.

Wasiir Cukuse ayaa ka dhabeeyey balankii uu u qaaday wasiiradii is casilay iyo musharaxiintii qaadacay inay ka soo qayb galaan shirka kulmiye, taas oo uu muujinaysa in uu si ragganimo leh ugu adkaysaty mawqifkiisii hore, diidmada Muusena uu uga munaafacaad roon yahay saaxiibadiisa codkii ay kiisa ku biirin lahaayeen la maqan.

Ka dib markii wasiir Cukuse uu gacanta u taagay inuu diidan yahay musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ayaa la arkayey isaga oo dareenkiisa la qaybsanaya madaxweynaha somaliland oo qosol ku soo dhaweeyey.