Cudurka Halista ah ee Jadeecada oo lagu arkey Gobollo ka mid ah Somaliland iyo Baaqa Wasiirka Caafimaadka

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog”  ayaa Maanta daboolka ka qaaday  in qaar ka mid ah gobolada dalka lagu arkay Cururka halista ah ee Jadeecada laguna arkay Carruur uu cudurkani asiibay ka dib markii ee dalka laga fuliyay hawl galka Talaalka Hooyada iyo Dhalaanka isla markaana waxa uu caddeeyay in baahi loo qabo sidii dib loogu eegi lahaa qiimaynta maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka .

Wasiirka ayaa sidan ku sheegay kulan lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa kaas oo ay ka soo qayb-galeen hawl-wadeennada caafimaadka ee lixda gobol ee waaweyn, Mas’uuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF iyo WHO iyo Madax kale.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog” oo madashii kulankaasi hadal ka jeediyay  ayaa tilmaamay in deegaamo ka tirsan gobolada Somaliland uu dib uga soo cusboonaaday Caruurta uu ku dhaco cudurka Jadeecada kaas oo ay ugu wacan tahay ayuu yidhi Wasiirku in hawl -wadeenada ololaha talaalka fuliyaa aanay sidii la rabay uga soo bixin waxa uu Wasiirka Caafimaadku ku dooday oo kale in Waalidiin badani ay fikir khaldan ka qaateen cidhib tirka Cudurada dilaaga ah taasina ay keentay inay Ubadkooda kala baaqsadaan Talaalka isla markaana ay horseed u noqotay in Kiisaska Jadeecada lagu arko deegaamo ka tirsan Somaliland.

Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog” waxaa kale oo hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay sidii qiimayn rasmi ah loogu samayn lahaa qaabka ay hawl wadeenada talaalku u fuliyaan qorshayaasha loo xilsaaro si loo helo ayuu yidhi xog dhamystiran oo laga duulo.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha ay Wada shaqayntu ka dhaxayso Wasaarada Caafimaadka ee Kulankaas ka qayb galay oo Tilmaamay in xooga la saaro sidii Caruurta lagu arkay Cudurka Jadeecada  deegaamada ay ku nool yihiin loogu xakamayn lahaa .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net