Cudurka Ebola oo ka dhex-toosay Dalka Maraykanka iyo Xaaladda Qofkii u horeeyey ee lagu arko caafimaadkiisa lala tacaalayo

Texas (SLpost)- Cudurka dilaaga ah ee Ebola oo dad badani ugu dhinteen galbeedka qaaradda Afrika ayaa astaamihiisa lagu arkay dalka Maraykanka, sida ay xaqiiyeen masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Texas ee Maraykanka.

Baadhitaan lagu sameeyey Qof aan la shaacin waddanka uu u dhashay balse la sheegay inuu laba todobaad ka hor ka tagay waddanka Liberia oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee uu faraha baas ku hayo cudurkan, ayaa laga helay astaamo loo aqoonsaday cudurka Ebola, kaas oo wakhtigan lagu hayo xarun lagu karantiimeeyey si aanu cudurku u fidin.

EBOLA_USSida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adaha Caafimaadka gobolka Texas ee Maraykanka, ninka laga helay astaamaha cudurka ayaa ka tagay waddanka Liberia 19-kii bishii hore si u booqday qaraabadiisa oo ku nool waddanka Maraykanka iyada oo baadhitaan lagu sameeyye wakhtigaas aan laga helin astaamaha cudurkan, arrintaas oo shaki iyo walaac ku abuurtay dalkaasi, iyada oo laga cabsi qabo in cudurku ka jiro gudaha dalka Maraykanka.

Astaamaha Cudurka ninkan laga helay, ayaa la sheegay inay soo baxeen 24-kii bishiihore shan maalmood ka dib safarka uu Maraykanka ku tagay, haseyeeshee 28-kii bishii hore ayaa la dhigay cusbitaalka ku yaala gobolka Texas oo qoyskiisu deggen yahay.

EBOLA_MARAYKANCudurka Ebola oo aanu qofku u gudbin karin bulshada inteeda kale ilaa ay astaamihiisu ka soo baxayaan qofka, waxa la isugu gudbiyaa iyada oo qofka cudurkan qaba oo dheecaanka jidhkiisu gaadho qof kale.

Waddamada Galbeedka Afrika badankooda ayuu cudurkani si ba’an u saameeyey, waxaana u dhintay in ka badna 3,000 oo qof, halka tiro intaas ka badan la shaaciyey inay qabaan cudur-sidaha Ebola, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaale u shaqaynayey hay’ado Maryakan ah oo ka hawl-galayey waddamada Afrikada Galbeed ee cudurku ka dillaacay, kuwaas oo markii dambe laga dabiibay cudurkan, ka dib markii loo qaaday waddankooda.

SOMALILANDPOST.NET