Cudurka Ebola oo fara-baas ku haya Waddamo Afrika ah, Duniduna ka Qaylisay Xawliga uu ku Fidayo oo laga Cabsi Qabo inuu soo gaadho Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Waddamada ku yaala Galbeedka Afrika waxa ka dillaacay Cudur dilaa ah oo aan wax daawo ah oo lagaga hortago iyo mid lagu daaweeyo toona lahayn, kaas oo sababay dhimashada boqolaal qof oo ku nool waddamada Liberia, Guinea iyo SeirrLeone ee Galbeedka Afrika, waxaanu dhawaaqa saamayntiisu gaadhay waddamada Reer Galbeedka oo ku hawlan dedaallo lagu xakamaynayo fiditaankiisa.

Dad tiradooda lagu qiyaasay inta ka badan 670 qof, ayaa inta laga war-qabo ilaa immika u geeriyooday Cudurkan, tiro intaas ka badan waxa loo diiwaan-geliyey inuu asiibay Cudur-sidaha Ebola, waxaanay dadkan badnkoodu ku nool yihiin waddanka Guinea oo ku yaala Galbeedka Afrika, halkaas oo sida hay’adda Caafimaadka Adduunku sheegtay ah meesha uu dalalka kale ee gobolkaas ku yaala kaga fiday xannuunkan oo la ogsoon yahay in markii u horesay lagu arkay Qaaradda Afrika sannadkii 1970-kii, gaar ahaan dalalka Koongo iyo Suugaan oo laga diiwaangeliyey labadii qof ee u horreeyey.

Dr Sheekh Humarr Khan oo u dhashay dalka Sierra Leone isla markaana ahaa khabiirka kaliya ee waddamada cudurkani ka dillaacay u badheedhay inuu la dagaalamo cudur-sidaha Ebola, ayaa todobaadkan u dhinta xannuunkan isaga oo ku sugan cusbitaal dawladdu leedahay oo ku leeyahay Bariga dalkaasi, ka dib markii uu xannuunka ka qaaday bukaan-jiif uu kaga daawanayey xaruntiisa caafimaad.

Waxa kale oo cudurkani asiibay kal-kaaliyeyaashii caafimaad qaarkood, kuwaas oo iyagana la sheegay in wakhtigan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isla markaana lagu go’doomiyey cusbitaal ay leeyihiin ururka dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayd ee ka hawl-galka dalkaas.

Walaaca Reer Galbeedka

Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa walaac ka muujiyey saamaynta deg-degga ah ee cudurkani ku yeeshay Qaaradda Afrika, gaar ahaan waddamada Galbeedka Afrika oo uu ku laayey in ka badan 670 qof.

Dawladda Ingiriiska, ayaa kulan deg-deg ah ka yeelatay fiditaanka cudurkan iyo sidii ay dalkooda uga hakamayn lahaayeen inuu gaadho. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Philip Hammond oo kulanka shir-guddoomiye ka ah, ayaa sheegay in aanay jirin astaamo muujinaya inuu Ebola ka jiro gudaha dalkooda, balse ay xukuumad ahaan ay korka kala socdaan fiditaanka cudurka. Waxaana jirtay digniin ay Waaxda Caafimaadka ee Dawladda Ingiriisku ugu jeedisay dhakhaatiirta dalkaas inay feejignaan dheeraad ah ka yeeshaan astaamihiisa.

In kasta oo aanay jirin digniin loogu jeediyey dadweynaha inaanay u socdaalin waddamada Galbeedka Afrika, haddana waxa jira sababo shaki weyn ku dhaliyey caalamka, ka dib markii nin u dhashay dalka Maraykanka balse asal ahaan ka soo jeeda waddanka Liberia laga helay cudurkan todobaadkii hore xilli uu isaga kala dhex-gooshayey waddamada Liberia iyo Nigeria. Waxa la sheegay in astaamaha cudurka lagu arkay intii uu ku jiray diyaarad uu u raacay waddanka Nigeria

Dedaallada lagaga hortagayo

Dhinaca kale, Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn, ayaa digniin ku bixiyey in masiibada Cudurka Ebola ee ka jirta Galbeedka Afrika uu yahay arrin aan caadi ahayn oo gebi ahaan faraha ka baxday, iyada oo waddamada caalamka horumaray ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagyo fiditaanka cudurkan.

Agaasimaha Hawl-gelinta Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn, Bart Janssens, ayaa sheegtay in aanay jirin aragti laga midaysan yahay oo lagu xakamayn karo fiditaankiisa. “Xannuunkani wuu ka sii darayaa uun, maxaa yeelay wali wuu sii fidayaa, waxase ugu daran Liberia iyo Sierra Leone oo uu barriinsaday,” ayey tidhi Jansssens.

Ururka caalamiga ah ee Duullimaadyada Adduunka, ayaa kulan la qaatay saraakiisha Caafimaadka waddamada ku horeeya dhinaca horumarinta Cilmiga Caafimaadka oo ay kala hadleen qaabka looga hortagi karo in cudurkani isaga tallaabo qaaradaha adduunka.

Midowga Yurub, ayaa dhaqaale xaddigiigu dhan yahay 5.2 milyan oo Doolar u qoondeeyey la-dagaalanka Fiditaanka Cudurkan. “Heerka saamaynta uu yeeshay Cudurku waxay ayaa ah mid si weyn looga war-warsan yahay, annaguna waxaanu u baahannahay inaanu kordhinno dedaalkayaga inta aanu galaafan dad badan,” sidaa waxa tidhi Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimo ee Midowga Yurub Kristalina Georgieva.

Somaliland iyo Xaaladdeeda

Ma jiraan Shaybaadho iyo qalab Caafimaad oo lagu karantiimeeyo isla markaana lagu baadho caafimaadka dadka socota ah iyo kuwa muwaadiniinta ah ee ku dhaqan dalka gudihiisa oo Somaliland leedahay, marka loo eego waddamada kale ku yaala qaaradda Afrika. Inta badan Xukuumadda Somaliland, waxa daawooyinka iyo agabka kale ee caafimaad oo aanay awood u lahayn inay baadhitaan kaga samayso shacabkeeda ka hesshaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO oo xilliyada ay jiraan ololeyaasha tallaalka Somaliland iyo meelo kale oo dunida ah ka caawisa daawooyinka xilliyada ay jiraan ololeyaasha lagula tacaallo cudurrada dillaaga ah. Sidaas oo ay tahay, Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada ugu nugul qaaradda Afrika ee cudurkani si ba’an saamaynta ugu yeelan karo haddii aan tabaabusho iyo qorshe qaran laga gaadhin saamayntiisa.

Masuuliyiinta Wasaradda Caafimaadka iyo Laanta Socdaalka Somaliland oo aanu la samaynayo cidhoodho kala duwan, nooma suurta-gelin inaanu ku helo khadka isgaadhsiinta, ka dib markii ay qaban-waayeen telefoonnada, halka qaarkood ay telefoonnadoodu ay xidhnaayeen. Si aanu wax uga weydiinno xukuumad ahaan ku-tala galka ay kaga gaashaaman karaan halista cudurka Ebola oo si xawli ah ugu fidaya Adduunka isla markaana ay ka qayliyeen waddamada Yurub iyo Maraykanka.

Macluumaadka laga hayo Cudurkan

Cudur-sidaha Ebola (EVD) oo markii hore loo yaqaannay Xumadda Ebola Haemorrhagic, waxaan xannuun khatar ah oo ku dhaca bani’aadamka, waxaana inta la diiwaan-geliyey laga hayaa in fiditaankiisu gaadhsiisan yahay heer khatar ah oo saamayntiisu gaadhayso 90% . Fiditaanka cudur-sidaha EVD waxa asalkiisii hore lagu arkay meelaha Miyiga ah ee waddamada badhtamaha iyo Galbeedka Afrika.

Waxa la aaminsan yahay in Fayraskan uu bani’aamka uga yimaaddo xayawaannada duur-joogta ah qaarkood, waxaanu dadweynaha dhexdeeda ugu fidaa qof cudurkani haleelay oo u gudbiya dadka intiisa kale.

Nooc ka mid ah Fiid-meerta, ayaa sida la aaminsan yahay ah xayawaanka kaliya ee dabiici ahaan xambaara Cudur-sidahan Ebola. Ma jirto ilaa immika daawo cayiman oo lagu daweeyo qof uu ku dhaco Xannuunka, sidaas awgeed, waxa ay hay’adda Caafimaadka Adduunku soo saartay digniino iyo talooyin lagula tacaalo dadka cudurkani soo rito.

Cudurkan waxa markii u horeysay la arkay 1976-kii wakhtigaas oo la diiwaan-geliyey labadii qof ee u horreeyey oo ku kala noolaa magaalada Nzara ee dalka Sudan iyo degmada Yambuku ee waddanka Congo, waxaana cudur-sidahani magaca loo bixiyey ka sitaa Webiga Ebola oo ku yaala meel u dhow tuulada Yambuku ee dalka Congo.

b. Astaamaha lagu garto

Astaamaha lagu garto Cudurkan waxa ka mid ah Xummad si lama filaan ah qofka ugu bilaabanta, awood-darro xad-dhaaf ah, Murugyada jidhka oo xannuun laga dareemo, Madax-xannuun iyo Cunaha (hunguriga) oo qofku xannuun ka dareemo.

Sida ay shaacisay hay’adda Caafimaadka Adduunka, cudurkan oo ilaa immika aanay jirin daawo laysla aqoonsan yahay in lagula dagaalamo cudurkan, marka laga yimaaddo tijaabooyin immika socda, waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu khatarsan dunida wakhtigan. “Marka uu qofka ku dhaco, waxa uu markiiba abbaarayaa hab-dhiska difaaca jidhka oo uu fadhiisinayo, taasina waxay u sahlaysaa Virus-ka inaanu jidhku iska difaaci karin,” sidaa waxa lagu shaaciyey warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada u qaabilsan Caafimaadka ee WHO.

t. Sidee laysugu gudbiyaa Cudur-sidaha Ebola?

Cudur-sidaha Ebola waxa uu bani’aadamka ugu gudbaa iyada oo la taabto dhiigga, saxarada, xubnaha jidhka ee dheecaanadu ka yimaaddeen ee Xayawaan uu virus-kani hayo. Qaaradda Afrika, waxa la diiwaan-geliyey in cudurkani ay gudbiyaan xayawaannada sideyaasha ah ee ay ka mid yihiin Gorilaha, Fiid-meerta khudaarta ku nool, Daanyeerka iyo nooc ka mid ah Garanuugta oo la helo Dhulka Keymaha ah ee badhtamaha iyo Galbeedka Afrika.

Cudurkan waxa ay dadku isugu gudbin karaan marka uu qofka jidhkiisu taabto dhiigga, saxarada iyo dheecaan ka yimaadda qaybaha kale ee jidhka qof xannuunkani asiibo, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimadka.

Gebo-gebo

Si kastaba ha ahaatee, Cudurkan oo halistii ugu weyni tahay inuu si xawli ah xuduudaha isaga gudbo isla markaana fiditaankiisu si sahlan u soo gaadhi karo maadama waddamada AFrikada Galbeed ganacsigoodu si xooggan ugu xidhan yahay dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo ka mid ah meelaha ay ka yimaaddaan diyaaradaha rakaabka ee soo cago-dhigta madaarrada Somaliland, way fududahay in xannuunkaasi soo gaadho Somaliland oo ka mid ah waddamada u nugul xannuunkan oo kale maadaama aanay jirin shaybaadho iyo adeegyo caafimaad oo suurto-galin kara in baadhitaan lagu ogaado qof uu cudurkani Asiimo. Waxase looga baahan yahay Wasaaradaha Caafimaadka, Duulista Hawada iyo Laanta Socdaalka Somaliland inay ku baraarugsanaadaan isla markaana ka hawl-galaan sidii looga hortegi lahaa ama ugu yaraan lagu kaantarooli lahaa la socosha caafimaadka dadka dibadda kaga imanaya Somaliland ee ka soo galay xuduudaha dhinaca badda, cirka iyo dhulkaba.