Gudoomiye Cirro Oo Daahir Rayaale Ka Tacsiyeey Geeri ku timi Ayeydii oo maanta lagu aasay magaalada Borama

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa isaga oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanka, guddida fulinta, golaha dhaxe, garabadda haweenka iyo dhallinyarta iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa madaxweynahii hore ee jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Ra’yaale Kaahin, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi ayeydii Marxuumad Khadiija Yusuf Yoonis oo maanta ku geeriyootay magaalada Boorama ee gobalka Awdal.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumada Khadiija Yusuf Yoonis, waxaana uu marxuumadda ku sifeeyey in ay ahayd qof wanaagsan oo Alle ka cabsi badan.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu Marxuumadda Illaahay uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardawsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo dhammaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.
Xafiiska Warfaafinta Xisbiga WADDANI.